Daawo: Xaflad lagu baraarujinayay bahda waxbarashada oo lagu qabtay Degmada Garbahaareey

Waxaa xaflada kasoo qaybgalay ardada waxkabarato labo iskuul hoose dhexe ee kala ah: Dugsi hoosedhexe ee Garbahaareey ee ay gacanta ku hayso Hay,ada NCA, iyo Dugsiga hoosedhexe ee Gogol.
waxaa kale oo kasoo qaybgalay maamulka degmada, odoyaasha, aqoonyahanka , hooyooyinka , maamulka labada iskuul, macalimiinta iyo dadweyne aad ufara badan.
waxaa xaflada lagu bilaabay soo jeedinta ardada oo isugu jirtay qudbadao, gabayo iyo riwaayado dhamaantood ku saabsan qiimaha waxbarshada, iyo dhibaatada uu leeyahay jahliga .
Waxyaabaha aadka usoo jiitay bulshada waxaa kamid ahaa Riwaayado lagu muujinayo hababka aan haboonayn ee waalidka qaarkii ula dhaqmo ubadkiisa waxbaranayo iyo kawarqab la aanta waalidka waxbarashada ubadkooda.

Waxayna ardada muujiyeen awoodooda dareen ee ay ku baraarugsan yihiin arimaha sababo saaqidnimada ardada oo ay ugu horayso xog yaraanta waalidka waxbarshada ilmaha iyo asbaabaha keeno in ilmuhu ka saaqidaan iskuulka oo ay ugu horayso kudayashada ilmaha askarta ku biiro.
Waxaa kale oo ka hadlay madaxa hay,ada NCA Mr. Cabdi Maxamed Cigaal oo si faahfaahsan uga hadlay ahmiyada ay ku fadhido aqoonta waxaana hadaladiisa kamid ahaa 🙁 waxbarshadu waa shay qaali ah uusana kamaarmi karin qofkaste oo bin aadam ah).

Sidookale waxaa ka hadlay xaflada Gudoomiyaha degmada Garbahaareey Mr. Nuur Sh. maxamed Buraale , Gudoomiyaha wuxuu u mahad celiyey hay,ada NCA hawlaha waxbarasho ee ay ka wado degmada Garabhaareey iyo tuulooyinka hoosyimaado.

Ugu danbayn xafladaan waxaa la orankaraa wuxuu ahaa isu soobax iyo bandhig ay siweyn u muujiyeen ardada, macalimiinta, maamulada iskuulada, hay adaha ku hawlan waxbarashada, maamulka degmada, iyo bulshada jecel aqoonta iyo tarbiyada waxaana aad looga hadlay inay jiraan da,yar fara badan oo aan haysan waxbarasho sababaha kalifayna ay aad ubadan yihiin waxaana kamid ah:
1- Waalidka ilmaha dhalay oo aan ku baraarugsanayn waxbarshada iyo qiimaha ay bini aadamka ugu fadhido.
2- Lacagta iskuulada qaar lagu dhigto oo ku adag waalidka inuu bixiyo.
3- Awlaada oo waxbarashada ka saaqido iyada oo aysan u dhamaan waxbarashada sababtuna ay tahay duruufta qalafsan ee wadanka ka jirto Tusaale: waxa ay arkayaan dhalinyaro farabadan la da ah oo askarta kubiiray qori wato xoriyad ka qaatay waalid iyo amaradiisa, mushaar ay iyagu maamulayaan qaato .

Cabdulqaadir xasan.
Cabdul@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.