Dhageyso:Xukuumadda Somalia ”Gurmad waa in la gaarsiiyaa gobalka Gedo”

xidig

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo fedaraalka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in kulanka si weyn looga hadlay siddii loogu gurman lahaa dadka abaaruhu ay ku heestaan goballada Soomaaliya.

:Hey’addaha halkan fadhiya ee OIC waxan shirkan kaligiina la idinku qabtay waa in aad ka duwan tihiin hey’adda kale waxaan idinka rabnaa wax qabad iyo tallaabo degdeg, waxaan rajeeneynaa in 24-ka saac ee soo socda ama lixda saac ee soo socda in aan dhaamino intaas oo booyado ah si loo waraabiyo dadka, waxaa kaloo la rabaa in wax yaabaha lagama maarmaanka ah in aad cayintaan maadama aad ka shaqeysaan arrimaha gargaarka”ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradaha arrimaha gudaha iyo fedaraalka, Cabdirashiid Xiddig.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo fedaraalka Soomaaliya, Xiddig ayaa xusay in kulanka la isku afgartay in degdeg loo caawiyo dadka abaaraha ay ku heestaan Koonfurta gaar ahaan goballada Gedo, Labada Shabeelle iyo Hiiraan.

Wuxuu sheegay in sidoo kale hoosta laga xariiqay in gobalka Gedo uu yahay gobalka ugu darran marka laga soo tago goballada Somaliland.

Howlaha gargaarka ay wadaan dowladda fedaraalka, ururada bulshada rayidka, culumaa’u diinka iyo hey’addaha maxalliga ayaa ku soo beegmaya xilli meelo badan oo goballada Soomaaliya ay jiraan abaaro ba’an oo saameen ku yeeshay nolasha dadka iyo duunyadda.

Halkaan Ka Dhageyso

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.