Madaxweyne Gaas oo Tabo bar u soo Xiray Ciidamo ka tirsan Putland

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 7-April-2016-ka Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Tababar ugu soo xidhay cutubayo ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada dawladda Puntland oo muddo dhawr bilood ah ay tababarro uga socdeen labada xarumood ee Madaxtooyada ee magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Ciidanka ilaalada Madaxtooyada shaqadoodu kuma koobna ilaalinta Madaxtooyada oo keliya balse waxay qayb ka qaataan hawl-gallada deg-degga ah ee la faro in ay fuliyaan iyo sidoo kale in ay kaqayb qaataan dagaallada lagula jiro Al-shabaab iyo cid kasta oo kusoo xad gudubta Puntland, waxaana ciidankaas oo aad u tiro badan saaka tababarka loosoo xidhay 161-askari oo kamid ah ciidankaasi, iyadoona uu ugu dambayntii Madaxweyne Gaas guddoonsiiyey shahaadooyin sharafyo qayb kamid ah ciidankaasi oo xilligii tababarku socdey muujiyey dedaal dheeraad ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.