EXLUSIVE: Askar Maraykan ah oo weeraray saldhig ku yaalla degmada Jilib

Waxaa xalay markale cirka looga daatay Alshabaab ee ku sugan Koonfurta Somalia gaar ahaan degmada Jilib ee gobalka Jubbada Hoose sida ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah warbaahinta Gedotimes.
Warar khaas ah oo soo gaadhay warbaahinta Gedotimes ayaa sheegaya in ciidamo khaas ah oo Mareykan ah xalay diyaarado kaga degeen degmada Jilib qaas ahaan qaybta jabahaadka ee saldhiga kuleh kantaroolka Jilib ee dhanka magaalada Kismaayo.
Sarkaal Soomaali ah oo ka gaabsaday inaan magaciisa xigano ayaa sheegay in ciidamo Mareykan ah oo diyaarado wata xalay hawada uga daateen Xarakada Alshabaab ah oo ku sugnaa xarun ay ku lahaayeen kantaroolka magaalada Jilib.
Lama oga in hawlgalkan ahaa mid lagu bar tilmaameydsanayay saraakiisha sare ee Alshabaab iyo inkale.Waxaan sidoo kale la hubin in hawlgalkan ka qayb qaateen ciidamo Soomaali ah sidii horay uga dhacday magaalada Awdheegle.
Ma jiro wax faahfaahin ah oo Maraykanka iyo dowladda ama AMISOM ay ka bixiyeen weerarka ka dhacay degmada Jilib.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.