Dhageyso: Xildhibaan Shire Coleey oo Wareysi gaar ah oo uu siiyay Gedo Times kaga hadlay Abaaraha kajira Gobolka Gedo.

Iyadoo Deegaano Badan OO Katirsan Gobolka Gedo ay kajiraan abaaro saameeyey nolasha duunyada iyo dadka ku dhaqan gobolkaasi, ayaa abaarahaasi waxaa ka qeyla dhaamiyay masuliyiinta ka tirsan Maamulka Jubaland ee Gobolkaasi kasoo jeeda.

Shire Coleey waa mudane ka tirsan Baarlamaanka Jubaland wareysi gaar ah oo uu siiyay Warqabadka Gedo Times ee Muqdisho, ayuu kaga hadlay abaaraha ba’an ee kajira deegaanada Gobolka Gedo.

Xildhibaan shire coleey ayaa sidoo kale dhinacyada jubaland, dowladda federaalka iyo jaaliyadda u dhalatay Gobolka Gedo ee qurbaha ku nool ugu baaqay in taakuleyn degdeg ah lala soo gaaro dadka ay abaaruhu halakeeyeen.

Khadka Taleefoonka ayuu ugu waramay Shaafici Cabdinuur oo Gedo Times ka tirsan wuxuuna ugu horeyn ka hadlayaa sababta uu ula soo xiriiray warqabadka Gedo Times.

1 Comment

  1. xildhibaan shire aad buu umahadsan yahay si wanaagsan ee uu usharxay abaarta kajirta gobolka Gedo waan in loo gurmado shacabka gedo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.