Toos Baardheere: Qaban-Qaabada Aaska Cabdulaahi Eelaay oo Halkaasi ka socota.

Qabanqaabada Aaska alaha u naxariistee Mudane Cabdulaahi Cabdi Aadan Dalal ” Cabdulaahi Eelaay” ayaa ka soconeysa iminka Gudaha Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada oo uu horkacaayo Gudoomiyaha Degmadaasi, Cabdulaahi Nuur Xasan Cadow, iyo Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa wado qabanqaabada aaska marxuumkan ka tirsanaa Maamulka Degmadaasi Baardheere.

Bandow ayaa lagu so orogay Degmada, isgaarsiintane waa mid hawada ka maqan,w axaana yar helitaanka Xogaha ku aadan halka ay wax marayaan, inkastoo intaan isgaarsiinta lajarin naloo xaqiijiyay in lawado qaban qaabada aaska, ciidamada amaankane ay wadaan hawlgallo ay ku baadi goobayaan Kooxihii Falkaasi dilka ka dambeeyey.

Waa Masuulkii Kowoaad laga dilo Maamulka Degmadaasi tan iyo intii ay gacanta degmadaasi ka baxday Xarakada Alshabaab Bartamihii sanadkii tagay, inkastoo horay fal dil in lagu khaarijiyo larabay uu ka badbaaday Madixii maxkamadda Ee maamulka Degmadaasi baardheere.

Wixii kusoo kordha kala soco Gedo Times.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.