DEGDEG: Hawlgallo Balaaran oo ka soconaya Gudaha Degmada Baardheere kadib Dilkii Cabdulaahi Eelaay ee Xalay halkaasi ka dhacay.

bardhere

Hawlgallo aad u balaaran ayaa saaka ka soconaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, kuwaas oo lagu baadi goobaayo cidii dishay allaha u naxariistee Marxuum Cabdulaahi eelaay oo kamid ahaa saraakiisha Maamulka Degmadaasi oo Xalay lagu dilay Gudaha Degmada Baardheere.

Cabdulaahi eelaay o oay dileen dableey afka soo duubatay ayaan la ogeyn cida dishay, iyadoo ay goobta ka abxsaden Kooxihii falka dilka ah u geystay.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada ayaa Gedo Times u sheegay in ay ku raadjoogaan kooxihii falkaasi dilka ka dambeeyey ayna cadaaladda horkeeni doonaan, inkastoo aysan jirin cid ilaa iyo hadda gacanta lagu soo dhigay.

dad aad u farabadan ayaa saaka loo taxaabay xabsiga dhexe ee Degmada, kuwaas oo isugu jira qeybaha kala duwan ee Bulshada Mana jirto ahnaaan cad oo dadkaasi lagu kala sari karo marka laga reebo tuhmooyin gooni ah.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe insha allah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.