Dhageyso: Jamciyadda Salaam oo Deeq lacageed gaarsiisay Deegaanka Dhamse ee Gobolka Gedo.

Jamciyadda Salaam ee ka hawl gasha meelo badan oo caalamka ah ayaa Deeq lacageed oo Gaareysa 100,000 oo lacagta kenya ah una dhiganta $ 1,000 waxa ay ugu deeqeen Dadka ku dhaqan Deegaanka Dhamase e Gobolka Gedo Gedo.

Dhamase oo ay Dabayaaqadii Sanadkii tagay ku dhufatay Duufaan, ayaa lacagtaasi waxaa loogu talagalay in dib u dayactir loogu sameeyo Iskuulkii Waxbarashada ee Deegaankaas iyo masjidkii lagu cibaadeysan Jiray ee Deegaankaasi ku yaalay.Deegaanka Dhamase ee Gobolka Gedo.

Sheekh Axmed iyo Suldaan Kowsaar oo ahaa dadkii loo wakiishay Deeqdani gaarsiiyeyne Deegaankaasi ayaa ku wareejiyey lacagtii ay wakiilka ka ahaayeen Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka Dhamase.

ugu dambeyntiine Odayaasha dhaqanka ayaa soo dhaweeyey deeqdan kaga timid Jimciyadda Salaam, ee Deeqdani soo gaarsiisay Bulshada Ree Dhamse oo u baahnaa Garab qabasho.

Wariyaha Gedo Times ee Gobolka Gedo Shariif Axmed Taajir ayaa warbixin arintaasi la xiriirta kasoo diray Gobolka Gedo.

 

IMG_3850

IMG_3858

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.