Dhageyso: Al-shabab oo Nin u dhashay Tanzania ku dilay Degmada Jilib

Wararka ka imaanaya Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in Al-shabab ay halkaa ku dileen Nin u dhashay Wadanka  Tanzania,kaasoo ay ku Eedeeyeen  inuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.

Al-shabaab ayaa ninkaan ay dileen waxaa lagu Magacaabaa Ciise Jeemis,iyagoo tilmaamay inuu Mudo Wardoon u ahaa Dowladda Mareykanka.

Dilka Ninkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Goob Fagaare ah oo ku taalla Bartamaha Degmada Jilib oo ay Maamulaan Shabaab.

Mid Ka mid Dad Ku nool Magaalad Jilib oo La Hadlay Gedo Times Ayaaa Shegay inuu Goob joog u ahaa Dilka Ruxaaasi Ka soo Jedo Tanzania

Al-shabaab ayaa Dhowr Jeer Gobolka Jubbada Dhexe ku dilay Dad ay ku Eedeeyen in ay yihiin Basaasiin la shaqeeya Dowladda Soomaaliya iyo Reer galbeedka,balse Dilka Ninkaan u dhashay Wadanka Tanzania ee ay dileen ayaa ah Markii ugu horeysay oo ay Dilaan Qof Ajaanib ah oo aan la shaqeyn Shabaab.

Halkaan Ka Dhageyso 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.