Dhageyso: Ciidamada AMISOM oo Madaafiic ku garaacay Tuulooyin hoostaga Janaale

amisom

Wararka ka imaanaya Tuulooyin Hoosyimaada Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose oo ay ka mid yihiin Kaaytooy,Afbanaane iyo Garsiine ayaa waxaa ka dhacay Duqeyn ay geysteen Ciidamada AMISOM ee Gobolka Shabellaha Hoose ku sugan.

Madaafiicda ayaa la sheegay in lala beegsaday Fariisimo Shabaab ay ku leeyihiin Tuulooyinkaasi,kuwaas oo laga ridayay Fariisimo Ciidamada Midawga Afrika ay ku leeyihiin Degaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Guddoomiyaha  Degaanka Shalaanbood Nuur Cismaan Raage oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Madaafiicda lala beegsaday Xerooyin ay dagan yihiin Shabaab islamarkaana Madaafiicdaasi ay qeyb ka tahay Howlgal Gobolka laga bilaabay.

Nuur Cismaan Ciise ayaa sheegay in Dadkii Rayidka ahaa ee ku noolaa inta u dhexeeyasa Buufoow iyo Janaale ay ka barakaceen Madaafiicda lagu garaacay halkaasi.

Ma jiro ilaa hadda Khasaaro Dhimasho iyo kuwo dhaawac oo la og tahay in ay ka dhalay Weerarka Madafiicda.

Waxaa Wali Colad iyo baqdin Xoogan Lag Daremaya Degaaano Faro Badan oo Hoostago Magaalaad Janaale oo Wali Xalkeeda uu Kacasan Yahay Walina Ay Ka Tagan tahay Xiisad Dagaaal

Halkaan ka Dhageyso

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.