Warbixin: Qurba Joog, Ganacsato iyo Siyaasiyiin Beesha Sade ah oo Kismaayo ku qulqulaya iyo Hoteladii oo Camiran.

Kadib heshiiskii taariikhiga ahaa ee Magaalada Kismaayo ku dhexmaray Hogaanka Beesha Sade iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed maxamed islaam Madoobe, ayaa waxaa Magaalada Kismaayo laga dareemayaa Isbadallo aad u balaaran oo ay ka mid tahay Dib u soo noqoshada Nolashii caadiga aheyd iyo dibad joogyo ree Kismaayo ahaa oo Magaaladaasi Dib ugu laabanaya.

Magaalada waxaa labadii usbuuc ee lasoo dhaafay gaaray dad badan oo kasoo jeeda beesha Sade kuwaas oo horay uga tagay Magaalada Xilayadii Dagaalka uu ka dhaxeeyey Siyaasiyiinta Beesha Iyo Axmed Madoobe.

inbadan oo Muqdisho ku sugnaa ayaa kismaayo dib ugu laabtay, si ay halkaasi uga sii ambaqaadaan Nolashii ay ku haysten Magaalo Xeebeedka Kismaayo, oo dagaaladii dhacay awadood ay uga soo barakaceen.

Maalgashadayaal iyo ganacsato waaweyn oo Beesha Sade ah Fadhigoodune ahaa Nairobi iyo Suudaanta Konfureed ayaa Kismaayo dib ugu laabtay kuwaas oo uu kamid yahay Ganacsadaha Caanka ah ee Cabdi Waayeel, iyagoo durba saameyntooda laga dareemaayo Magaaalada Kismaayo.

Qaar kamid ah dadka Kismayo dib ugu laabtay ayaa Gedo Times u sheegay in Amaan la isku haleyn karo uu Kismaayo kajira Xiligani,iyagoo Baaq culus u jeediyey Bulshada Ree Sade ee aan wali ku dhiiran in ay Kismaayo iyo Jubaland dib ugu laabtaan.

Soomaalida ayaa ku maahmaahda ” Heshiis Xun waxa uu dhaamaa Heshiis la’aan” waxayna Maahmaahdani ka tarjumeysaa ugu yaraan in heshiiska aan wali la fulin ee Kismaayo lagu gaaray uu Gogol Xaar u noqon karo heshiis rasmi ah oo Jubaland ka curta kaas oo bulshada Deegaankane u horseedi kara Nabad iyo Xasilooni ka hana qaada Jubaland.

Goordhaw waxaan idiin soo gudbin doonaa Muuqaalo la xariiira Hoteladii Caanka ahaa ee Beesha Sade ay ku laheyd Kismaayo oo Camiran sida Hotelada, “Tawakal, Cascaseey, Xareed Yaro, Waamo iyo Hotelkii Xeebta Saarnaa ee Baranwaa” oo Dhamaantood iminka ah Kuwo Camiran oo la ciirciiraya Qurba joog, Ganacsato, Siyaasiyiin iyo Qeybaha kale ee Bulshada oo Kismaayo dib ugu laabtay.

Hadii aad rabto in aad aragti ka dhiibtayo Warbixintan kor ku xusan fadlan noogu soodir telefoonkaaga gacanta Emailka ah:  gedotimes1@gmail.com

Isku duba ridkii Maamulka Gedo Times

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.