DAAWO: Bulshada ku dhaqan Baardheere oo Qurba joogta ka codsaday ka qeyb-qaadashada dib u dhiska Isbitaalka Degmada

Bulshada Baardheere oo baaq ku aadan dhismaha cisbitaalka degmadaasi udirtay qurba joogta
qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa qurbo joogtada ka dalbaday inay dhismaha isbitaalkaan ka qayb qaataan
ii soo dir waan soo noqonayaa

Xilli Isbitaalka guud ee Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo uusan helin wax dayactir iyo qalabeyn ah sanado badan, ayaa Bulshada ku nool Baardheere waxay baaq u direen qurba joogta u dhalatay deegaanka ee dibadaha ku nool.
Bulshada ree Baardheere ayaa ka codsaday dadkooda ku nool qurbaha in ay ka qeyb qaataan sidii dib u dhis iyo qalabeynba loogu sameyn laha Isbitaalka Degmada.
Isbitaalka Degmada oo uu ka Muuqdo burbur aad u weyn, ayaa hadda waxaa socda dadaalo dib u habeyn loogu sameynaayo.
Ma muuqato doorkii dowlad dhexe iyo mid gobol toona taas oo bulshada ku kaliftay in ay iskood isu abaabulaan,

Baardheere oo kamid ah Magaalooyinka ugu waaweyn ee Koonfurta Soomaaliya ayaan laheyn adeegyadii bulsho sida caafimaad iyo waxbarasho ku filan bulshada ku dhaqan Deegaanka, tiiyoo ay dheertahay in boqolaal tuulo oo bulshooyin badan ay ku noolyihiin ay hoosyimaadaan Degmada.

Caafimaadka Degmada ayaa ku tiirsanaa Degmooyinka Diinsoor oo Gobolka Bay ka tirsan iyo Mandheera oo Gobolka Gedo Daris la ah , inkastoo xarumo caafimaad oo gaar loo leeyahay laga hirgaliyay Degmada tan iyo intii Alshaaab lagala wareegay Degmadaasi bartamihii Ssnadkii tagay.
HOOS KA DAAWO

1 Trackback / Pingback

  1. Daawo:kulan looga Hadlaayey Dhisida Isbitaalka Degmada Baardheere – Gedo Times

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.