DAAWO: Kenyanka ku sugan Baardheere oo Gurmad Caafimaad Gaarsiiyay Isbitaalka Degmadaasi

Ciidamada Kenya ee Qeybta ka ah Hawl-galka Midowga afrika ee AMISOM ayaa Deeq Daawo ah gaarsiiyay Isbitaalka Guud Ee Degmada Baardheere.

Madashii Daawada lagu Wareejinayay waxaa ku sugnaa Masuuliyiin Ka tirsan Maamulka Degmada Baardheere oo uu horkacayay Gudoomiyaha Degmada Mudane Cadow Nuur Xasan.

Qeybaha Bulshada sida odayaasha dhaqanka ee Degmada, Haweenka iyo dhalinyarada aya iyagune Goobjoog ka ahaa munaasabadda Daawo Wareejinta.

Gudoomiyaha Degmada Baardheere Cadow Nuur Xasan iyo xubnaha kale Ee Maamulkiisa ee Goobjooga ka ahaa kulankani ayaa dhinacooda soo dhaweeyey gargaarkani daawo ee kaga yimid AMISOM ta kenyanka ah ee Baardheere ku sugan.

Saraakiisha Kenyanka ah ayaa dhinacooda balan qaaday in ay sii wadi doonaan gurmad caynkani oo kale ah ee ay kaga qeyb qaadanayaan adeegyada bulshada.

HOOS KA DAAWO

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.