Dhageyso: Gudiga Garoonka Caabudwaaq oo Wareysi gaar ah Gedo Times kasiiyay Xaalka Garoonka ee Degmadaasi.

Xilli laga dareemaayo hormar Garoonka diayaradaha ee Degmada Cabudwaaq, ayey shabakadda wararka ee Gedo Times waxay la xiriirtay Qaar kamid ah gudiga garoonka si ay wax uga weydiiso hawlaha garoonka iyo halka ay marayaan.

Cabdulqadir Faarax Cabdulle waxa uu kamid yahay gudiga Garoonka Cabudwaaq gacanta ku haya kuwaas oo ka kooban ilaa 2q1 xubnood sida uu yiri.

Cabdiqaadir Dheere ayaa dhinaca kale hoosta ka xariiqay in ay u baahanyihiin in laga caawiyo qeyb cusub oo ay rabaan in ay ku kordhiyaan garoonka iyo xeyndaab uu sheegay in ay doonayaan in dhismihiisa laga caawiyo.

Mar aan wax kaweydiinay hadalo la isla dhexmarayay oo sheegayay in garoonka cabudwaaq iyo garoomo kale oo galgaduud ka tirsan uu Maamulka Galmudug qorsheynaayo in uu Xiro, ayuu sheegay in warkaasi aysan wali hayn, balse hadii loola yimaado ay garanayaan jawaabta ay kabixinayaan.

Hoos ka dhageyso Wareysi uu la yeeshay Shaafici Cabdinuur oo Gedo Times ka tirsan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.