Deg Deg:- Galmudug oo qabatay Rag ka tirsan Shabaabkii Puntland la dagaalamay

 Ciidamada Galmudug ayaa Magaalada Gaalkacyo  ee Gobolka Mudug gaar ahaan Xaafado ku yaalla Koofurta Magaalada ku qabtay  30 ka mid ah Shabaabkii Puntland kula dagaalamay  Degaanka Garacad.

Ciidamada ayaa la sheegay in Dagaalameyaashaan ka tirsan Al-shabaab ay ka soo qabteen Xaafado ka mid ah Koofurta Magaalada ee Galmudug,kuwaas oo ku dhuumanayay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Galmudug ee Gaalkacyo ku sugan ayaa noo Xaqiijiyay in 30 kamid ah Al-shabaabkii Puntland dagaaka kula galay Aagga Garacad oo Labo ay Dumar yihiin Gacanta lagu dhigay.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in Shabaabka lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ay iskugu jiraan kuwo Hubeysan oo wada Hubka Fudfudud iyo kuwo Sacabooley ah oo Shacab iska soo dhigay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Maamulka Galmudug ay ka warheleen in Al-shabaab ka soo Cararay Agga Degaanka Garacad ee Puntland ay soo galeen Qeybo ka mid ah Galmudug oo sidaa Gacanta loogu dhigay.

Puntland ayaa Shalay shaaca ka dhigtay in Al-shabaabkii ay Dagaalka kula gashay Aagga Garacad la soo Afjaray oo ay galeen Dhanka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.