XOG: Maxaa kasoo Baxay kulankii la isku dhafray ee Xalay Kismaayo ku Dhexmaray Siyaasiyiin Sade ah iyo Axmed Madoobe

Xalay waxaa kulan saacado badan socday uu Magaalada Kismaayo ku dhexmaray qaar kamid ah siyaasiyiinta Beesha Sade iyo Hogaamiyaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe.

kulanka oo saacado badan socday ayaa looga  hadlay isfahamaa ka dhashay qaabka loo shaacinaayo heshiiskii dhawaan kismaayo ka dhacay.

Axmed Madoobe ayaa qaba in heshiiska ay soo wada saaraan isaga iyo dhinac yadii  siyaasiyiinta beeshane ay ku adkeysanayaan in lahelo korjoogto caalami ah iyo dad ka marag noqda waxa ay ku heshiiyeen labadooda dhinac.

Siyaasitiinta ayaa waxaa kamid ahaa Siyaasiga Cabdi Shire, janaraal Cali Madoobe, Cabdiwaaxid Goonjeex, Gudoomiye Kaliil iyo Xildhibaano ay kamid yihiin Maxamuud Cali Magan iyo Cabdirashiid Suufi Deerow.

lama oga talaabada tan xigta ee loo qaadi dooono xaga heshiisiinta beesha iyo Axmed Madoobe iyo waxa laga yeeli doono qodobka la isku haayo, ee dhinacyadu isku mari la’yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.