TOP News: Kulan looga hadlaayo Amaanka Soomaaliya oo Maanta ka dhacaya Magaalada Nairobi.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka socda kulan ay lee yihiin hey’addaha ammaanka dowladda dhexe iyo kuwa maamul goballeedyada.

Shirkan ayaa la sheegay in looga wada-xaajoonayo sidda ay u wadashaqeen lahaayeen booliska dowladda dhexe iyo booliska ay lee yihiin maamul goballeedyada.

Wasiirka amniga qaranka,Cabdirisaakh Cumar Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda ee ka qeybgalaya shirkan ayaa BBC-da u sheegay in shirkan looga hadlaayo qaab dhismeedka booliska Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dastuurka fedaraalka dalka uu dhigaayo in maamul goballeedyada ay yeeshaan boolis isla markaana dowladda Soomaaliya laga rabo in ay yeelato boolis gaar u ah, marka wuxuu yiri dhinacyadaas ayaa la rabaa in ay wadashaqeeyaan.

Wuxuu sheegay in shirkan looga hadli doono siddii loo qeexi lahaa awoodaha booliska dowadda dhexe iyo kuwa maamul goballeedyada.

“Tusaalle haddii uu jiro dambiyo argagixiso waxaa baaraya booliska fedaraalka oo qeybtiisa CID-da taas micnaheedu ma ahan baarista dambiyada in laga maamulo magaalada Muqidsho ee magaalo madaxdii dalka ee joogayaan, marka dowladii dhexe ayey saldhig u tahay” ayuu yiri Wasiirka amniga.

Wasiirka ayaa wax laga weydiiyay ammaanka caasimadda Muqdisho, wuxuu sheegay in ammaanka Muqdisho wax badan laga qabtay oo meeshii horrey u joogeen aaney maanta joogin balse wuxuu sheegay in wax badan ay dhimman yihiin oo waqti badan qaadan doona.

Wuxuu tusaalle u soo qaatay weerarradii ka dhacay Paris iyo Brussels oo uu yiri waddamadaas oo xagga ammaanka horrumar ka gaaray haddana in ay ka dhaceen wax la mid ah wixii ka dacayay Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.