Dhageyso:Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Dagaalka Al-shabaab ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha Galmudug  C/kariin Xuseen Guuleed oo Gaalkacyo ku sugan ayaa Shacabka Galmudug ka dalbaday in ay Garabsiiyaan Ciidamada Maamulka ee Dagaalka kula jira Shabaab  si looga guuleysto Al-shabaab.

Madaxweynaha oo ka hadlay Munaasabad ka dhacday Gaalkacyo oo uu ka qeyb galay ayaa Shacabka Reer Galmudug ugu baaqay in ay Gacansiiyaan Ciidamada qalabka sida Ee Galmudug si looga guuleysto Al-shabaab.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa ku soo aadaya Xilli Maanta Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulka iyo Al-shabaab uu ka soconayo Duleedka degaanka Budbud ee Bariga Gobolka Mudug.

Wararkii ugu dambeeyay  Ee Dagaalka u dhexeeya Ciidamada Galmudug iyo Al-shabaab ayaa wali halkaa ka soconaya,iyadoo aysan jirin wali Cid faah-Faahin karta Khasaaraha ka dhashay Dagaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.