Puntland oo Warbaahinta u soo bandhigtay Maxaabiis Shabaab ah oo lagu qabtay dagaalkii Garacad

waxaa warbaahinta loo soo bandhigay Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii ciidamada difaaca Puntland la galeen kooxda Al-shabaab ee aaga Garacad, kuwaas oo gaaraya 46 nin.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xisri Cali Qar jab ayaa sheegay in maxaabiista Puntland ku qabatay dagaalkii  ay la gashay Al-shabaab aan wax dhibaato ah loo gaysan, balse la marin doono sharcigu wuxuu ka qabo.

46-da  maxaabiista ee maanta loo soo bandhigay warbaahinta waxaa ku jira dhalinyaro yar yar,  oo dagaalka ku jiray , madaxweyne Gaas ayaa shalay ka sheegay degmada Jariiban in Carruurta yar yar ka ah Puntland xanaanayn doono, si alle u jidka toosan ugu hagaajiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.