DAAWO: ” Axmed Madoobe” Safarkii aan ku tagay Qooqaani iyo Dhoobleey guul ayuu kusoo dhamaaday.

madoobe

Hogaamiyaha maamulka jubba axmed maxamed islaam Madoobe ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada kimaayo kadib safaro shaqo oo uu ugu maqna deegaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Hogaamiyaha Jubba ayaa sheegay in socdaalada ay ku tageen isaga iyo wafdigiisa in uu guul kusoo dhamaaday, wuxuu hoosta ka xariiqay in alshabaab ay jab xoogan ugu geysteen Dagaalo la dhacay Gobolka Jubada Hoose.

Dhinaca kale ayu sheegay axmed Madoobe in dhawaan Jubaland ay ka bilaabi doonaan hawlgal alshabaab looga saaraayo deegaanada ay kaga suganyihiin Jubaland.

Hawlgalkaasi ayuu ku sheegay in ay qeyb ka qaadan doonaan Ciidamada Dowladda Federaalka, Kuwa Jubaland iyo AMISOM oo uu sheegay in ay markastaa garab taaganyihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.