Degdeg: Qaban qaabada Munaasabadii lagu Shaacin Lahaa heshiiskii Kismaayo oo Iminka Madaxtooyada Ka socota.

Waxaa hadda Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ka soconaya Qabanqaabada Munaasabdii lagu shaacin lahaa Heshiiskii dhawaan kismaayo lagu kala saxiixday.

Dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay waxaa loo xayirnaa Hogaamioye Axmed Madoobe oo safaro shaqo ku tagay Deegaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Safiiro iyo wakiilo ka socda Beesha caalamka iyo Dowladaha Dariska ayaa Saaka halkaasi gaaray si ay qeyb uga noqdaan ama Goobjoog uga noqdaan heshiiskani taariikhiga ah ee ay dhinacyadu kala saxiixanayaan.

Qodobo lagu heshiiyay ayaa Madasha lagu soo bandhigi doonaa kuwaas oo dhaqan galintoodane si guud looga wada qeyb qaadan doono.

Wixii kuso kordha kala soco wararkeena dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.