“Aqriso” Qodobadii Besha Sade iyo Axmed Madoobe Ay Ku Heshiyeen oo Dhameystiran .

GO’AAMADII KASO BAXAY SHIRKII BEESHA SADE EE KISMAAYO 2016

Taariikhdu markey aheyd 20.02.2016 waxaa Beesha Sade isugu yimaadeen shir
wadatashi oo looga hadlaayo sidii tabashada Beesha iyo Maamulka Jubbaland
loo soo afjari lahaa. Beeshu waxay ka dooday tabashooyinka ay ka qabto
maamulka oo isugu jira kuwo Dastuuri ah, kuwo awood qaybsi ah iyo kuwo
xuquuq maamul iyo aadami oo maqan. Sadaa awgeed dood dheer kadib waxay
beeshu isku raacday 14ka qodob ee soo socda:

 

1. Si nabad iyo Xasilooni loo helo loona gaaro wadjir iyo horumar waa in Khilaafka siyaasadeed iyo Tabashooyinka jira looga gudbo wadahadal iyo is af-garad.
2. Si uusan u abuurmin shaki awood qaybsiga ah, loogana gaashaanto i qab-qabsi iyo dayacaad mas’uuliyadeed; waa in jagada Madaxweyne Ku-xigeenku ay ahaato hal jago sida ku cad Dastuurka Jubbaland.
3. Beeshu waxey si taxadar leh uga dooday Magaala Madaxda Jubbaland waxayna soo jeedineysa in loo daayo Magaalada Kismanyo.
4. Beeshu waxey tabaneysaa in ay ka maqan yihiin Maamulka Jubbaland degmooyin sharci ah oo ka tirsan Gobolka Gedo sida Buurdhuubo oo haysata Sharciga Dowladdii dhexe ee uu hoggaaminaayey Maxammed Siyaad Barre iyo Ceelcadde oo haysata sharciyaddii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf sidaa daradeedna ay lagama maarmaan tahey in degmooyinkaas lagu soo daro Maamulka Jubbaland iyo Dastuurka ku meelgaarka ah ee Jubbaland , ayna hesho tiradoodii xildhibano.
5. Beeshu waxey xaq u leedahey iney ka hesho dhismaha golaha Wasiirada sadex meelood meel 1/3, wasiiradaas oo ay ku jiraan kuwa loo yaqaano (A) ama qaybta Siyaasadda iyo Amniga.
6. Beeshu waxey tabaneysaa ineysan ku qanacsaneyn qaybtii xildhibaanada Gobolka Jubbada Hoose taas oo ay u arkaan ineysan helin xuquuqdii ay ku lahaayeen Degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame, sidaa daraadeed Beeshu waxey isku raacdey iney hesho xuquuqdii labadaas Degmo.
7. Beeshu waxey ka mid tahey Beelaha sida weyn u dega gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Degmada Kismaayo sidaa daraadeed beeshu waxey xaq u leedahey iney hesho Guddoomiyaha Degmada Kismaayo.
8. Beeshu waxey tabaneysaa in ay ka maqan yihiin guud ahaan Hoggaanka Ciidamada Maamulka Jubbaland gaar ahaan Degmada Kismaayo, sidaa daraadeed waxey beeshu soo jeedinaysaa in la isu dheeli tiro Hoggaamada Ciidanka iyo Ciidanka laf ahaantiisaba isla markaasna la isku dhafo Ciidamada Amniga ee Deegaamada Jubbaland gaar ahaan degmada Kismaayo si wadajir looga qeyb qaato la dagaalanka Cadowga Jubbaland loona abuuro Kalsooni buuxda Shacabka dhexdiisa.
9. Beeshu waxey tabaneysaa in ciidamada Jubbaland ee sadexda Gobol aan loo siinin xuquuqdoodii si siman, sidaa daraadeed waa in ciidamada Jubbaland ay isku xuquuq noqdaan sida Mushaarka, Tababarada, Gaadiidka iyo agabka ciidanka qaybihiisa kala duwan.
10. Beeashu waxey ka maqan tahey guud ahaan Maamulka guud ee Garsoorka iyo Caddaaladda ee Jubbaland gaar ahaan kan Degmada Kismaayo, sidaa daraadeed waa in beeshu heshaa xuquuqdii maamul ee ay ku laheyd hay’adaha Garsoorka iyo Caddaaladda.
11. Beeshu waxey tabaneysaa iney ka maqan tahey oo aysan ku laheyn xubno heer maamul ah Guddiyada madaxa banaan sida Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha, sidaa daraadeed waa in beeshu hesho xubnihii maamul ee ay ku laheyd Guddiyada iyo Hay’adaha madaxa banaan.
12. Beeshu waxey soo jeedinaysaa in si siman oo caddaalad ah loo gaarsiiyo deegaamada Jubbaland mashaariicda horumarineed, Deeqaha waxbarashada, Agabka iyo Dhaqaalaha laga helo Dowladda dhexe iyo Beesha Caalamka.
13. Beeshu waxey aragtaa in ay lagama maarmaan tahey in la dhiso Guddi madax banaan oo soo baara khilaafka dhulka, ay dadka sida qalooca loo dilay labada dhinacba, hantida Guurtada iyo maguurtada ah ee la kala tabanaayo.
14. Beeshu waxey si taxadar leh uga doodey ciidamada beesha ee degan Sabca-Sharaaf waxeyna beeshu isku raacdey in ciidamadaas loo saaro Guddi farsamo oo ay dhinacyadu isla garteen habka iyo qaabka lagu soo xereeyn karo muddo cayiman .

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.