Daawo Sawirada. Axmed Madoobe oo Tagay Qooqani Maanta Ka Dib Werar Kii Al- Shabab.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa safar aanan horay loo sii shaacin wuxuu ku tagay Deegaanka Qooqaani oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose, maalin kadib dagaal culus oo ciidanka Kenya ku qabsaday inta u dhaxeysa Afmadoow iyo Dhoobley.

Safarka Madaxweynaha Jubbaland waxaa ku wehliyay Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland, iyadoo qorshaha uu u tagay Qooqaani ay tahay abaabulka ciidanka Jubbaland.

Axmed Madoobe, ayaa Deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubbada hoose kula kulmay Saraakiisha ciidamada Amisom iyo kuwa Jubbaland, wuxuuna u jeediyay dar daaran ku aadan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

Intaasi ka dib, ayaa Madaxweynaha Jubbaland wuxuu dib ugu laabtay Dhoobley, oo Saldhig wayn ay ku leeyihiin ciidanka Kenya ee hawlgalka Amisom qaybta ka ah.

Saraakiisha ciidamada Kenya, ayuu halkaasi kula kulmay Madaxweynaha isaga oo booqday dhaawacyada Askartii ay waxyeelada ka soo gaartay dagaalkii ka dhacay maalin ka hor Deegaanka Xayo oo ka tirsan Gobolka Jubadda hoose.

Maanta, ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Magaalada Dhoobley uu kula shiro Saraakiisha ciidanka Dhoobley ku sugan Hogaaminaysa si ciidamada ay isugu diyaarinayaan qaadista howlgalo ka dhan ah Ururka Al shabaab.

Jubbaland, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku cel celinaysay qaadista howlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, xilli guud ahaan Gobolka Jubadda Dhexe Shabaab ay gacanta ku hayaan.

1 2 3 4

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.