Dhageyso: Xoghayihii Ururka Suxufuyiinta Qaran ee Nusoj oo Is Casilay+ Sawiro

Maxamed Ibaahim Bakistaan Xogayihii Ururka Saxafiyiinta Qaranka ee NUSOJ ayaa Maanta waxaa uu ku dhawaaqay in uu Xilkaas isaga tanasulay uuna diyaar u yahay in uu Xafiiska ku wareejiyo Qoofkii ay Saxafiyiintu Soo doortaan.

Maxamed Bakiasdsstaan ayaa hadalkan waxaa uu sheegay kadib markii uu Maanta kulan mudo socday laqaatay Gudiga Saxaafada u qaabilsan Xalinta Khilaafaadka, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir iyo sidoo kale xubno ka tirsan Milkiilayaasha Warbaahinta Madaxada Banaan.

Bakistaan ayaa sheegay in xitaa uu san Musharaxa u aheyn uu markale u soo tartamo uu in uu Madax ka noqdo NUSOJ oo uu mudo dheer soo shaqeynaayey sida uu isagu sheegay hadana daalan yahay.

Ismaacii Sh Khaliifa oo Gudoomiye ku xigeen ka ah Gudiga Xalinta Saxaafada ayaa dhankiisa sheegay in uu ku baaqayo in dhinaca kale oo NUSOJ iyana sidan oo kale fekerkooda u cadeeya si-wax kasta u fududaadaan ayna soo dhaweynayaan go’aanka Bakistaan

Hogaanka Ururka Suxufiyiinta  Qaranka ayaa mudo dheer waxaa uu lahaa labo dhinac oo midkasta sheeganayey in uu yahay kiisu sax.

 

Halkaan Ka Dhageyso 

 

5E 1E 2E 3E 4E

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.