Dhageyso:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in la baarayo Gubashada Isbitaalada Madiina iyo Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen  Jimcaale oo maanta Kormeer ku tagay Isbitaalada Madiina iyo  Banaadir oo Xalay uu labaduba dab ka kacay ayaa sheegay in baaritaan lagu sameynayo waxa isku soo beegay Gubashadooda.

Guddoomiye Yuusuf ayaa sheegay in Shacabka Muqdisho ay is weydiinayaan waxa hal Habeyn isku soo beegay Gubashadooda Isbitaalada Madiina iyo Banaadir oo ah Labo Isbitaal oo Muhiim ah Shaqo weyna u haya Ummadda Soomaaliyeed .

Hadalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya iyadoo Xalay uu Dab ka kacay Baqaar lagu Keydiyo Daawada oo uu leeyahaya Isbitaalka Banaadir iyo sidoo kale Qeybta Qaliinlka Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho,kuwaas oo sababay Khasaaro Hantiyadeed.

Halkaan Ka Dhageyso .

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.