Abu Muscab “Todobaatan askari ayaanu ku dilnay Laanta-Buuro”.

shabab

Afhayeenka u hadla Al-Shabab marka ay meel weeraraaan Sh, C/Casiis Abu Muscab oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in weerarkii xalay ka dhacay degaanka Laanta Buuro ee G/Sh/hoose inay ku dileen illaa iyo 70 askari oo ciidamada dawlada Soomaaliya ka tirsanaa.
Abu Muscab waxaa uu sheegay in weerarka oo ay dhawr jiho ka qaadeen inay ku dileen inta badan askarii xerada Laanta buuro ku sugneyd sida uu yiri waxaana uu intaa ku daray inay qaateen gaadiid dagaal oo xerada yaalay.
Illaa 7 gaari iyo saanad ciidan oo xerada yaalay ayuu sheegay Abu Muscab inay qaateen waxaana uu intaa ku daray inay ka tageen hal gaari oo weyn oo gubtay sida uu yiri.
Afhayeenkaan Al-Shabab u hadlay kama uusan hadlin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray weerarkaas

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.