XOG: Itoobiya oo Axmed Madoobe ka dalbatay inuu soo gudbiyo Tirada Saxda ah ee Ciidamadiisa si tababar ay dib ugu furto.

Ciidamada Itoobiya ee Qeybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo, ayaa hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe waxa ay ku amreen in uu soo gudbiyo liiska saxda ah ee ciidamadiisa,iyaga oo sheegay in qorshe muhiim ah ay arinkaasi ka leeyihiin.

Hogaamiye Madoobe oo dhowr jeer gudbiyay Tirooyin is khilaafsan oo ciidamada Maamulkiisa ah ayey hadda Gorodda Iskula jiraan AMISOMta ka socota Itoobiya oo dooneysa in ay Hawlgal ka bilwodo Deegaanada Alshabaab ay ka maamulaan Jubaland.

Itoobiyaanka ayaa Hogaamiye Madoobe u sheegay in qorshahoodu yahay in marka ay ogaadaan Ciidamadiisa tiradooda, ay qori rabaaan tiro intoo kale ah oo ka imaaneysa beelaha soomaliyeed ee Jubaland Dagan,kadibne ciidamada ay noqon doonaan kuwo qaran oo la isku dhafo, kana wada qeybqaata hawlgalka xoreynta nawaaxiga Jubba ee Horay loogu dhawaaqay.

Axmed Madoobe ayaa u muuqda Mid ka caga jiidaya gudbinta Liiska Ciidamadiisa, inkastoo Itoobiyaanka uu qorshahooda hoosta uga xariiqanyahay,

Waa markii ugu horeysay ee Axmed Madoobe la saaro culeys dhinaca ciidamadiisa ah tan iyo intii gacanta lagu dhigay Magaalo Xebeedka Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.