Galmudug iyo Puntland oo ku Dagaalamaya Bariga Mudug.

Wararka ka imaanaya Degaanka Dajimaale ee Bariga Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu ka soconayo Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamo kala Taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka oo la sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan Gaadiidka dagaalka ayaa geystay Dhimasho iyo Dhaawac soo kala Gaaray Dhinacyada Dagaalamay.

Goobjoogeyal ayaa sheegay in dagaalka uu wali soconayo,kaas oo halkaa ka bilowday Saladii Casir ka dib.

Maamulada Puntland iyo Galmudug wali kama Hadlin,walina lama Oga Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac inta uu le eg yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.