TOP News: Beesha Sade oo Gudbisay Qodobadii ay horay ugu heshiisay, iyo Jawaabcelinta Axmed Madoobe oo isha lagu wada hayo.

Waxaa Maalintii shalay aheyd Gudiga Siyaasadda Beesha Sade ay gudbiyeen Ajandihii qornaa ee ka koobnaa 14 ka qodob ee ay sheegeen in beesha sade ay u aragto xalka jubaland,taas oo Axmed Madoobe uu horay u dalbaday.

Liiska ka kooban 14ka qodob oo ay ku qoranyihiin Qodobo Xaasasi ah, ayaa gacanta laga saaray Axmed Madoobe, isagoo codsaday in lasiiyo waqti kooban oo maalmo ah si uu dib ugula laabto qodobadani Golaha marjiciisa iyo lataliyayaashiisa,kadibne waxa uu balan qaaday in uu si degdeg ah uga soo jawaabi doono qodobadani qoran.

Dhinaca kale Gudiga Beesha Sade ugu qeybsan arimaha wada hadaladani ayaa sheegay in ay ka warsugayaan ogolyihiine in ay ka war dhowraan war soocelintiisa.

Madashii Dikumentiyada iyo Waraaqaha lagu kala gudoomayay waxaa ku sugnaa Xubno Shisheeye ah, oo marqaati ka noqon doona xilliga uu dhici doono heshiiska rasmiga ah ee nabadda looga dhalinaayo Gobolada Jubba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.