XOG: Gudiga Beesha Sade u matali Doona Wadahadalada oo la Magacaabay iyo Magacyada Qaar oon helnay. “akhriso’

Gudiga Beesha Sade u matali lahaa Wadahadalada lala galaayo hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe iyo beeshisa ayaa la isku raacay,iyadoo xubnaha Gudiga oo ka kooban ilaa 15 xubnood ay kamid yihiin siyaasiyiin rug cadaa ah oo maamulkaasi ka hor imaadsanaa sanidihii lasoo dhaafay.

Xubnahani waa 15 xubnood waxaana qaar kamid ah magacyadooda in ay ehsho ay u suuragashay shabakadda Wararka ee Gedo Times,

waxaa kamid ah xubnahaasi.

Xildhibaan Magan.

Siyaasiga Cabdi Shire Warsame

Cabdi barre Cabdi

Cabdirashiid janan

Maxamed Cabdi kaliil

Sheekh Maxamed Aw-libaax

Dhay nin Magiciisa lagu koobay

Cabdiwaaxid Goonjeex

Janaraal Cali Madoobe

iyo Masuuliyiin kale oo marka ugu horeysa ee aan Magacyadooda helno aan diiin la wadaagi doono insha allah.

Sidoo kale waxaa naloo xaqiijiyay in kulamadaasi fool ka fool ah ay maalinimada Barito ah ka furmi doonaan Magaalada Kismaayo,iyadoo shalay un ay aheyd markii siyaasiyiintani ay Axmed Madoobe ku wargaliyeen in uu beeshiisa miiska wad hadalka soofariisiyo , arintaas oo uu isagune balanqaaday fulinteeda.

Xubno ka tirsan beesha Caalamka ayaa kulamadaasi kor joogto ka noqon doona iyagoo marwalba xalin doona isuna soo dhaweyn doona dhinacyadani iska soo horjeeda.

Wixii kusoo kordha kala soco Gedo Times Insha allah

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.