TOP News: Shabaab oo Duubab Dhaqameedyo ku Xirxiray Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

shabab

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Raaso oo ka tirsan Gobolka Hiiraan Ururka Al Shabaab ayaa deegaankaasi waxa ay ka qab qabteen dad tiro badan kuwaasi oo la sheegay Shabaabka inay ku tuhmayaan xiriir inay la leeyihiin Dowladda Somaliya.

Deegaanka Raaso Habeenkii Axada soo galaysay todobaadkaan waxaa ka dhacay Duqeyn ay geysteen Diyaaradaha aanan cidi wadin ee Drone-ka ee dalka Mareykanka laga leeyahay, iyadoo duqeyn culus lala dhacay Xero ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Shabaabka.

Shabaab oo falkaasi ka carooday ayaa qaaday tallaabooyin ku aadan inay xir xiraan qaar ka tirsan Odayaasha Deegaanka oo ay ku tuhmayaan inay bixiyeen macluumaadka ku aadan Shabaabka xeradaasi lagu duqeeyay.

Odayaasha ay Shabaabka xireen ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay inay ka badan yihiin 10 Oday kuwaasi oo hada ku xiran Saldhiga Deeganka Raaso ay Shabaabka ku leeyihiin.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka oo magacooda iyo codkooda diiday in Warbaahinta loo adeegsado, ayaa sheegay Shabaab inay Odayaashaan xir xireen shalay welina ay u xiran yihiin.

Dadka waxa ay qabaan walaaca ku aadan sida Odayaashaasi Shabaabka ay ka yeeli doonaan, inkastoo aanan la ogeyn waxa ay Odayaasha ku sameyn doonaan Shabaabka.

Al Shabaab ayaa deeganada ay ku sugan yihiin kolka ay duqeyn ka dhacdo, waxa ay ku qamaamaan oo ay xir xiraan qaar ka tirsan dadka deegaanka oo ay dusha u saarayaan inay ka dambeeyaan Masuuliyada Duqeynta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.