Ahlusunna: Waa nasiib Darro Xariga lagula kacay Siyaasiga Cabdi Waal.

Maamulka Gobolada Dhexe (Ahlu Sunna), ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay xariga ay Dowladda Somaliya u gaysatay Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), oo ku xiran Magaalada Muqdisho.

Siyaasigan waxaa Isniintii laga soo qabtay hotel uu ka deganaa Magaalada Nairobi, ka dib markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay soo saartay warqad digniin ah oo Siyaasigaasi lagu soo xiri karo. Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa Kenya weydiistay in Dowladda Somaliya laga caawiyo, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Cabdi Nuure Siyaad, haddii uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi, isla-markaana ay baadigoobeyso Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Somaliya.

Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow, Afhayeenka Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa sheegay in Maamulkoodu uu ka xun yahay tallaabada lagu soo xiray Cabdi Nuure Siyaad.

“Runtii waa wax aan aad iyo aad kaga xunahay xariga loo gaystay Cabdi Nuure Siyaad. Waa wax nasiib darro ah in isagoo dalkii ka maqan lagu katiinadeeyo dal shisheeye, laguna soo celiyo Magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka, ayaa yiri “Markii horeba Magaalada Muqdisho wuxuu kaga tagey waa caburin iyo inuu naftiisa badbaadsado. Gobolada Dhexe wuxuu noogu yimid, waxaa lagu nabadgelin waayay Magaalada Muqdisho.”

Ina Xeefow, ayaa intaa ku daray “Cabdi Nuure Siyaad muddooyinkanba Magaalada Nairobi ayuu deganaa. Ka hor wuxuu safaro kala duwan uu ku tagey Sacuudiga, Emirate-ka iyo dalka Talyaaniga. Soo qabashadiisa waxay ku soo beegmaysaa, mar uu ka soo laabtay dibadda.”

Siyaasigan, ayaa Magaalada Muqdisho ka cararay, ka dib markii uu 10-kii bishii August ee sanadkii 2014-kii ka baxsaday hawlgal qorsheysan oo lagu doonaayay in lagu soo xiro oo ka dhacay hoyga Xildhibaan C/weli Maxamed Qanyare Afrax, oo ku yaala Degmada Wadajir Ee Galbeedka Magaalada Muqdisho. Hawlgalkaasi waxaa horkacaayay Taliyihii Hore Ciidanka Nabad Suggida Gobolka Banaadir, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), waxaana markaasi lagu eedeeyay inuu qayb ka yahay falalka amni darrada ee ka dhacaaya Caasimadda.

Cabdi Waal, ayaa waxaa lagu xusuustaa in si adag uu Warbaahinta kaga weerari jiray Madaxda Dowladda Somaliya, oo uu ku eedeeyay kuwo aan u bisleen Qaranimada, isla-markaana kala fogeynaaya dadka Somaliyeed. Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay in Qarankii dhammaa ay ku soo koobeen hal urur (Dam Jadiid).

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.