Al- Shaba oo Benisay in 150 Dagaal Yahan loga Dilay Duqeyn uu Mareykanka Ka Fuliyay Degaan Ka Tirsan G. Hiraan

Saacado kadib markii dawlada Maraykanku sheegtay inay duqeyn ku dishay in ka badan 150 dagaalame oo Al-Shabab ka tirsan ayaa Al-Shabab qirteen in xero ay leeyihiin la duqeeyay hase ahaate waxaa ay buun buunin ku tilmaameen in tiro intaas le’eg weerarkaasi looga digay.

Sh, C/Casiis Abu Muscab oo ka mid ah afhayeenadda Xarakadda Al-Shabab oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay inuu xaqiijinayo in la duqeeyay hase ahaatee waxaa uu dafiray in duqeyntaasi ay uga geeriyoodeen 150 dagaalame.

“Maraykanku waa ay duqeeyeen xeradeena waana xaqiijinayaa laakin inay tiro intaas le’eg naga dileen waa buun buunin aan run aheyn” ayuu  yiri Abu Muscab.

Afhayeenkaan Al-Shabab u hadlay waxaa uu sheegay in ayagoo og in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ay hawada Soomaaliya ki jiraan in amaanka dartiis aysan hal meel wada geyn ciidamadooda.

C/casiis Abuu Muscab oo wax laga weydiiyay inta uu gaarsiisanyahay khasaaraha kasoo gaaray dhankooda duqeyntii diyaaradaha Maraykanku ka geysteen gobolka Hiiraan waa uu ka gaabsaday inuu tiro shaaciyo  hase ahaatee waxaa uu qiray inuu jiro khasaaro soo gaaray.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya C/Salaan Cumar Hadliye oo asna la hadlay wakaaladaan aanu xiganayno ee Reuters ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya ay xogo dhanka sirdoonka ah oo xerada la weeraray ku saabsan ay la wadaageen dawlada Maraykanka  isla markaana ay la socdeen sida weerarkaasi u dhacay.

“Hay’adeena sirdoonka ayaa xogaha xerada la weeraray la wadaagtay dawlada Maraykanka” ayay wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya kasoo xigatay wakaaladda wararka Reuters.

Maraykanku waxay sheegteen in duqeyntaas xerada Al-Shabab oo ay fulisay diyaarad nooca meelaha fog fog laga hago ah inay ku dishay 150 dagaalame oo diyaarinayay weerar lagu qaadi lahaa ciidamada Maraykanka ah ee Soomaaliya jooga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.