Ahlusunna oo Beenisay lahaan shaha Hub ay shalay qabteen ciidamda Galmudug

Ururka Ahlu Sunna Waljamaacaya ayaa beeniyay warar ka soo baxay Maamulka Galmudug oo ahaa in Hub loo waday degaanka Xeraale ee Gobolka Galguduud oo ay ka arrimiso Ahlu Sunna lagu qabtay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Cabdullahi Xirsi Diirshe ayaa sheegay in Warka ka soo baxay Galmudug uu yahay mid iyaga looga been abuuranayo.

Waxaana uu taa beddelkeeda sheegay in Cadaado uu ku yaallo Suuq lagu kala iibsado Hubka ,islamarkaana Hubka ay sheegayaan uu yahay mid Dad Reer miyi ah ay magaalada ka iibsadeen oo ay ku qasbeen in ay sawirro ka qaadaan si ay ugu ceebeeyaan Ahlu Sunna.

Maamulka Galmudug ayuu sheegay in uu yahay mid aan ka shaqeyneyn danaha dadka dega Mudug iyo Galguduud

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.