Dhageyso: “Wasiir Mareye” Sadex Qodob ayaa Al- Shabab Dalka loga Saari Karaa.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeyeayaa ka hadlay Qorsheyaal ay dowladda Soomaaliya Al-shabaab uga saareyso Guud ahaan Dalka qeybaha ay ka joogan.

Wasiirka ayaa Xusay in Dowladda Federaalka ay ku talo jirto Tayeenta Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya si ay u hantaan Ammaanka Soomaaliya loogana maarmo Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Jooga Soomaaliya,isagoo intaa raaciyay in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay Xaqiijin karaan Amniga Dalka,hadii ay helaan Xaquuqdii Ciidan iyo Tababro fiican.

“Sidoo kale Amniga Dalka waxaa lagu Xaqiijin karaa hadii Shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeyaan Dowladda iyo Ciidamada Aminga oo ay soo sheegaan kuwa geysanaya Falalka Amni daro,waxaa kale oo Amniga lagu Xaqiijin karaa hadii Culimadda iyo Dadka indhaha u ah Bulshada ay Ummadda u sheegaan waxa ay yihiin Shabaab oo Shacabka laga wacyi galiyo”ayuu yiri wasiir Maareeye.

Halkaan Ka Dahgeyso:

Maareeye

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.