War DEG, DEG: Ciidamo Kawada Tirsan Dowlada oo Ku Dagalamay Magalada Burdhubo

Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dagaalamay Degmada Buurdhuubo Ee Gobolka Gedo,waxaana dagaalka ku dhintay inta la Og yahay Hal Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dagaalamay.

Wararka ayaa sheegay in Ciidamada ay isku dagaaleen Raashin loo qeybinayay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Buurdhuubo Ee Gobolka Gedo.

Goobjoogeyaal ayaa Xaqiijiyay in Dagaalka uu Hakad galiyay isku socodka Dadka iyo Ganacsiga Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ee Degmada ku sugan oo aan la xariirnay ayaa noo sheegay in ay ku Howlan yihiin sidii ay u Xalin lahaayen Xiisadda halkaa ka taagan.

Dadka Shacabka  ee ku nool Degmada Buurdhuubo ayaa walaac ka muujiyay Dirirta dhex martay Ciidamada ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.