Dhageyso: Cabi Waal Muxuu Ka yiri Xariga Dowlada Somaaliya

Siyaasiga Cabdi nuure Siyaad Cabdi Walaal ayaa hada waxa uu ku jiraa Gacanta Dowlada Federaalka kadib markii laga soo qabtay Dalka Kenya Halkaasi uu ku dhuumanayay.

 

Cabdi ayaa Bilawgii Sanadkii tagay Waxa uu ka tagay Magaalada Muqdisho xiligaasi uu Sheegay in ay Dagaal ku soo qaadeen Ciidamada Nabadsugida Dowlada Sida uu Hadalka u Dhigay

 

Cabdi Walaal ayaa la aaminsan yahay in uu qeyb ka qaatay Dagaalkii ay Ahlusuna magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ay kula galeen Ciidamada Dowlada Federaalka.

 

Warbixin ay soo saartay QM ayaa waxa ay Sheegtay in Cabdi Waal uu ka mid yahay Dadka Soomaaliya ka Fuliya Dilalka Qorsheysan Sida ay ku sheegeen Warbixintooda.

 

Wareysigaan Ayaa Cabdi nuure Siyaad lala yeeshay xiligii ay Guriceel Dagaalada ka socdeen waxa uuna sheegayaa Kaalinta uu ku lee yahay Dagaalkaasi iyo Sababta uu Magaalada Muqdisho uga Cararay.

Halkaan ka Dhageyso:

WAREYSI CABDI WAAL

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.