Al shabab oo loo Tababaray Boqolaal Gabdhood oo Sirddoon Ah.

Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa baahiyay in haweeneyda la yiraahdo Samatha Lewthwite ay Xarakadda Al-Shababu tababartay boqolaal dumar ah oo loo diyaariyay inayis qarxiyaan.

Wargeyska Daily Mail ayaa baahiyay in haweeneydaan oo loo yaqaan Carmasha cad ay tababartay illaa iyo 200 oo dumar ah kuwaasoo qaarkood raggii qabay ay ku geeriyoodeen dagaalo Soomaaliya ka dhacay ayagoo Al-Shabab ka tirsan.

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in haweenkaan loo diyaarshay inay u shaqeeyaan sida sirdoonka oo kale oo ay ururiyaan xogaha muhiimka ah ayagoo ka shaqeeya hoteelada halka qaarkoodna ay wadooyinka magalooyin ay Muqdisho ka mid tahay ganacsiyo ku leeyihiin.

Inay adeegsadaan xirfado fur furnaansho ku jirto si ay xogo muhiim ah u helaan ayay sheegaysa xogtaan uu baahiyay wargeyska Daily Mail la yiraahdo.

Haweeneydii isku qarxisay hotelka Central ee Muqdisho bishii February sanadkii hore ayaa ka mid aheyd dadkii ay tababartay haweeneyda la yiraahdo Samatha Lewthewite.

Qiyaastii 400 oo ruux oo ay haweeneydaan Ingiriiska u dhalatay tababarto qaarkood waxaa la baraaa sida dadka loo gawraco halka kuwa kalena la baro sida xogaha looga keeno meelaha dawlada Soomaaliya maamusho halka kuwa la baro sida la isku qarxiyo sida sirdoonka Ingiriiska laga soo xigto.

Xogaha ay haweenkaan ururiyaan waxay la wadaagaan hogaanka Al-Shabab gaar ahaan qeybta sirdoonka qaabilsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.