Wasiir Diini : “Majirto cid guul ka sheegan karto Siyaasadda Jubaland sanadihii lasoo dhaafay”

Wasiirka difaaca Soomaaliya Janaraal Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini aya dhamaan dhinacyada kukala duwan siyaasadda Jubaland ugu baaqay in ay tanaazulaad muujiyaan.

Wasiir Diini ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahy in looturo Shacabka Soomaaliyeed eeku dhaqan Jubaland kuwaas oo colaado badan ay daashadeen sanadihii lasoo dhaafay.

“Dhamaan dhinacyada isku haya siyaasadda Jubaland waxaan ugu baaqaya in tanaasulaad muujiyaan gacmahane isqabsadaan shacab iyo madaxbo” ayuu yiri wasiir diini oohadlayay kadib kulan la isku jilba jabsaday oodhincyada beesha sade ee kukala aragti duwanaa siyaasadda jubaland ka qeybgalay.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in aan cidne guul ka sheegan karin siyaasadii jubaland ka taagneyd sanidihii lasoo dhaafay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.