Degdeg: Guddi ka kooban 12 Xubnood oo loo Magacaabay Wadahadala Beesha Sade iyo Hogaamiye Madoobe…

Gudi ka kooban ilaa 12 xubnood oo kasoo jeeda Beesha Sade una matali doona wadahadalada lala galaayo Hogaamiye Madoobe ayaa lagu wadaa in lamagacaabo saacadaha soo aadan.

Xubnaha gudiga oo tiradooda la shaaciyay ayaa la isla gartay in loo kala qeybiyo dhowrka garab ee kasoojeeda beesha sade kuna kala aragti duwanaa siyasadda jubaland.

Xubnah gudigani aya ilaa afar xubnood waxaa looqoondeeyey xubnihii mucaaradkii ugu weyn jubaland kuwaas oo kala wada hadalada umatali doonaan Siyasiga Cabdi Shire, Janaraal Cali Madoobe, Gudoomiye Kaliil iyo Xubin kale oo aanan ilaa iyo hada helin Magaca Qofkaas ee shalay qeybta ka ahaa wafdiga wasiirka.

Laba xubnood oo gudigaasi kamid ahne waxaa naloo xaqiijiyay in ay yihiin maxamuud sayid iyo awlibaax.

Sidoo kale fartaag iyo Wasiirka Kheyraadka ee Jubaland Prof Maxamed Macalin aya la xaqiijiyay in ay noqon doonan.

Halka laba xubnood la sheegay in ay noqon doonan waxgaradka Sade Waamo e kusugan Magaalada Kismaayo iyo laba xubnood oo kamid ah waxgaradka Gobolka Gedo.

Iyo ugu danbeyn labada xubnood ee harsan oo la sheegay in ay noqon doonaan laba aqoonyahan oo kasoojeeda Beesha kuwaas oo la sheegay in ay kala noqon doonaan Cabdiqani Sheekh Cali Diini oo kamid ah Qurbajoogta Beesha Sade iyo Gudoomiyihii Horee ee Gobolka Dr Aadan Ibrahim Aw-xirsi Cirro

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.