XOG: Maxaa kasoo baxay Kulamadii ilaa Xalay Kismaayo Uga socday dhinacyada Beesha Sade….

Kulamo xalay ilaa Maanta Magaalada kismaayo uga socday dhamaan dhincyada Beesha Sade ee kukala aragti duwanaa Siyaasada Jubaland ayaa ka soconaya magaalada Kismaayo.

Kulamada oo u dhaxeeyey dhamaan dhinacyada kukala aragti duwanaa Siyaasadda Jubaland oo isugu jira mucaaradka iyo Muxaafidka Jubba aya kulamo Xaasaasi ah kulahaa Magaladaasi Kimaayo.

Kulamada waxaa Shir gudoominayay Wasiirka Difaaca Janaraal Diini waxaana ka qeybgalayay siyaasiiyiin aanan is horfariisan sanado badan, kuwaas oo ay kamid yihiin Janaraal Fartaag,cabdirashiid Indhakoreey,Dr Cabdi Shire,Siyaasiga Goonjeex,Janaraal Cali Madoobe,Gudoomiye Kaliil, Awlibaax,Maxamuud Sayid iyo Masuuliyiin kale ayaa lagu gorfeeyey sida loo mideynkaro ahdaafta Siyaasadeed ee Beelweynta Sade iyo sidii si toos ah loola xisaabtami lahaa Hogaamiyaha Jubba iyo beeshiisa iyo in isla xisaabtan sax ah uu ka dhaco Jubaland.

Gababagadii kulamada oo lasoo gababeeyey aya la isla gartay in si guud looga shaqeeyo midnimada Sade lalana Xisaabtamo Hogaanka Jubba.

Kismaayo dhawaan waxaa ka furmi doona kulamo la iskula xisaabtami doono oo dhex mari doona beelaha Sade iyo Absame.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.