Daawo: Baarlamaanka Galmudug oo cadeeyey in Madaxweyne Guuleed oo Dagaalkii Dhuusamareeb uu kaalin kulahaa……

Qaar kamid xildhibaanada Barlamaanka ee Maamulka Galmudug ayaa Madaxweynaha Maamulkooda waxay ku eedeeyeen inu ku luglahaa Dagaaladii shalay ka dhacay Magalada Dhuusamareeb.

Xildhibaanada oo warfidiyeenada kula hadlayay Magaalada Cadaado ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed in uu kaalin muuqato kulahaa dagaalkii ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee u dhaxeeye Maamulka Gobolada Dhexe iyo sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne.

Mudaayaasha ayaa Geesta kale hoosta ka xariiqay in dagaalka si lamid ah sida Guuleed ay iyagune dhinacoda dab ugu shideen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo amuqdisho Ku sugan

Waxay sheegeen in xildhibaano xamar ku sugan ay kaalin muuqato ku lahaayeen dagaalkii dhiiga badan uu ku daatay ee shalay ka dhacay magaalada dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Hadalka xildhibaanadani ka tirsan Maamulka Galmudug kasoo yeeray ayaa imaanaya xilli Maanulka Gobolada Dhexe uu dagaalkii dhuusamareeb masuuliyadiisa Dusha uga tuuray dhincyo kala duwan oo ay kamid yihiin Galmudug iyo Dowladda Federaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.