Daawo: Ahlusunna ” Duulaankii nalagu soo qaaday dhinacyo badan ayaa ku lug lahaa”

ehlu

Maamulka Gobolada dhexe ee ka arimiya Deeganada qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud aya ku eedeeyey Ha’adda Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Soomaaliya in ay ku lug lahayeen dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalkani lagu hoobtay ee shalay ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayey ahlusunna ku eedeeyeen in dhinacyo badan oo ay ugu horeyso NISA iyo Ciidanka Dowladda ee Xerada 21-aad ay dagaalakani ku lahayeen Kaalinta ugu weyn.

” alshabaab, NISA, Ciidanka xerada 21-aad iyo Burcad badeed aya qeyb ka ahaa Dagaalkii shalay nalagu sooqaaday ee aan ku jabinay Cadowgii nagu soo duulay” ayuu yiri afhayeen u hadlay Ahlusunna oo lagu Magacaabo Cabdinuur.

Afhayeenka ayaa dhinaca kale wacad ku maray in ay cagta marin doonaan Cidkastoo ku sooduusha deegaanada ay ka arimiyaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sikastaba Maamulka Galmudug ayaa iyaga iska fogeeyey eedeyn uga timid ahlusunna oo ah in ay ku luglahaayeen dagaalkii shalay dhuusamareeb ka dhacay sida uu yiri wasiirka Warfaafinta Maamulkaasi mudane Masagawaa, inkastoo dhincyada kale ee eedeymaha loo jeediyey aysan jawaab kabixin eedeymaha kaga yimid Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.