DAAWO: Qaabka Kismaayo loogu soo Dhaweeyey Wafdigii Maanta Kismaayo Gaaray ee uu Hogaaminayay Wasiir Diini

Wafdi uu Hogaaminaayo wasiirka Difaaca Soomaaliya Janaraal Cabdiqaadir sheekh Cali Diini ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo.

Ugu horeyn waxaa wafdiga garoonka kusoo dhaweeyey madaxweyne Kuxigeenka Maamulkaasi Cabdulaahi sheekh Fartaag oo wafdiga u sheegay in ay kismaayo kusoo dhawaadaan isagoo geestakalane qiray in uu jirro qilaaf siyaasadeed balse ay muhiim tahay in laxaliyo.

Wasiir Diini ayaa dhiniciisa ka mahadceliyey soo dhaweynta wafdigiisa loo sameeyey isagoo codsaday in sida loosoo dhweeyeyna loo amba bixiyo.

Siyaasiga Cabdi Shire oo kamid ahaa Mucaaradkii ugu xooganaa ee Maamulka Jubba aya dhiniciisa sheegay in khilaafka jubooyinka kajira ay muhiim tahay in laxaliyo maamulka jubbane ay daacad ka noqdaan xalka khilaafaadka jira.
Hoos kadaawo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.