Degdeg: Kulamo Gooni Gooni ah oo Caawa ka soconaya Madaxtooyada Magalada Kismaayo.

Kulamo gooni gooni ah ayaa caawa ka soconaya Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, kuwaas oo u dhaxeeyaa siyaasiyiintii maanta kismaayo gartay, iyo hogaamiyayasha Jubba Axmed Madoobe iyo Janaraal Fartaag.

Kulamada oo ka soconya madaxtooyada kismaayo, ayaa lagu jeexjeexayaa ajandayaasha kulamada maalmaha soo aadan ka dhici doona magaalada kismaayo.

Diini wasiirka difaaca iyo hogaamiye axmed madoobe oo uu wehliyo kuxigeenkiisa Cabdulaahi Fartaag ayaa kulamo albaabada u xiranyihiin kaleh kulamada kismaayo ka dhici doona.

Ma cadda in la isku fahmi doono ajandayaasha laga wada hadli doono iyo inkale iyo sidoo kale in Maamulka Jubba uu daacad ka noqon doono wadahadalani iyo inkale.

Wixii kasoo baxa kulamadani kala soco wararkeena dambe insha allah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.