Maxkamadda Militiga Soomaaliya oo Kuxun Dil ah ku riday Xasan Xanafi oo Shabaab ka tirsanaa.

Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji Cabdisalaan oo ku eedaysnaa inuu lug lahaa dilalka dhowr wariye oo Muqdisho lagu dilay.

Waxaa la sheegay in maqraatitaal maxkamada la horkeenay ayaa ka marag kacay in Xasan kamid ahaa Alshabaab kuna lug lahaa dilalkii loo gaystay wariyaasha kala ah, Nasteex Daahir faarax, Mahad Axmed Cilmi, Cali Iimaan Sharmaarke, Saciid Tahaliil Axmed,Mukhtaar Maxamed Hiraabe iyo Sheekh Nuur Abkow.

Horay ayuu u qirtay in uu dhamaan ku luglahaa qorshayaashii lagu dilay dhamaan warfidiyeenadaasi iyo kuwo kabadan oo uu ku luglahaa sida uu horayba u qirtay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.