TOP: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo loo diiday in uu Gudaha ugalo Isbitaalka Digfeer.

Qaar ka mid ah Idaacadaha maxalliga ee Muqdisho ayaa baahiyay warar sheegaya in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maanta dib dalka ugu soo laabtay in loo diiday in uu gudaha u galo Isbitaalka Digfeer oo hadda ay mulaan Turkiga.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo xubno in ay soo celiyeen ilaalada hotelka una sheegay in aan lagu soo wargalin.

Wariye la socday duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyay in gacan ka hadal ay dhacday inkastoo rasaas la isweydaarsan.

Duqa Muqdisho ayaa la sheegay in uu rabay in uu booqdo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo oo hadda ku jira Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan basle uma suurta galin dib ayuuna u soo laabtay.

Isbitaalka Digfeer oo ay dhistay dowladda Turkiga ayaa magaca laga baddalay waxaana iska daa qofka bukaanka qofka u tagaya qofka xanuunsan uu dhiibaa hal dollar ($1).

Ma jirto cid ka hadashay is hortaaga lagu sameeyay Duqa Muqdisho in uu booqdo dhaawacyada ku jira Isbitaalka Digfeer.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.