Sir:Axmed Madoobe Maxaa Ku Qasbay Wada Hadalka Besha Sade ee Kismaayo Ka Soconayo

Hogaamiyaha Maamulka Jubland ayaa Markisii Ugu Horeysa Waxa uu Ogaaladay Inuu Si Toos ah Wada Hadal ula Furo Xubanaha Siyaasiynta ee Ka soo Jeedo Besha Sade.

Dad Badan Ayaa Wax Ay Isweydinayaan Danta Ku Qasbtay Axmed  inuu Kismaayo Ugu Yero Siyaasintii Didanaa Hogaminta Maamulka jubalnd ee uu Hayo, Xaqiiqoyin uu Raadiyay Gedo Times Ayaa Lagu Soo Ogaaday Qodobo dhowr ah oo Ku Qasbay Axmed Wada Hadalka Besha Sade.

1—Waxaa Go, ay Xariirkii uu Axmed La Lahaa Maamulka putland oo ahaa Maamulkii Kaalin Xogan Ka Qatay Dhismaha Jubland , Ka dib Markii uu Oga Baxay Heshi  kii ay ka wada Gareen Dorashada somaliya ee ahyd inay Ka so hor jestaan Nidaamka 4.5 oo ay Qateen Dowlada Somaaliya , Besha Calamka iyo Xubno Ka socdo Maamul Gobaledyada.

Putaland ayaa Wax aay Go, aan ku Gartay Markii uu Axmed Heshiiska Oga Baxay Inay isku Tashtaan Xariirkii ay La Lahayeen Ay Gaabiyaan ee Dhinaca Siyaasada Ku Saleysnaa.

2— Dhawaan Ayay Ahyd Markii Kismaayo Laga Soo Masaafuriyay Odayaal si Gaar ah loo Heyb Soocay oo Ka soo Jedo Putland Kuwas oo Lagu Edeyay Inay Xariir La Leyhiin Al-shabab Halka Kuwa Kalana La dhigay Xabsiga Kuwaas oo jirdil iyo Dhibaato Lagu Geysatay.

Xariiro ay Putland La soo sameysay jubland ayaa Waxbo ka suurto Galin oo Ku Aadana Kawad Hadalka Dadka La soo Dhofiyay iyo Kuwa Xir Xiran .

Taas oo Sii Cusleysay Xariirka  Kablalax Wadaaga ahaa ee Ku Saleysnaa Isbiirsigoda inuu Yaraado Axmed uu Ku Jahwarero Siyaasada jubooyinka.

3—Maamulka Putland ayaa Ahaa Mid Axmed Madoobe Danta uu Ka leyahay Dowlada Faderaalka ah u Fududeyn Jiray Ayna Sahli Jirtay in Axmed uu San Hoostagin Belaha Danta uu Ka leeyahay  ee aysan Heshiiska Ahyn laakin Putland oo ah Maamul Xoog Badan u Surto Galin Jiray Wax uu Dowlada Ka Rabo. Tusaale: Wax Qabadkii Putland ay Dowlada Oga Surto Galisay Maamulka Jubaland waxa Ka mid ah , Markii Barlamaanka Somaliya Ay Kal sonida Kala Labteen Golaha Wakilada Jubland Cida Hor Istaagtay Inuusan Bur Burin Barlamankisa Waxa Ay Ahyd Putland oo Markii Danbe Lagu Gulestay In Lag Taqaluso Go, aankii Barlamaanka Somaaliya .

4—– Hogaamiyaha Maamulka Jubland  Markii uu Tagay Dalka Turkiga Ayaa Waxa Ka mid Noqday Su, aalihii Laga Weydinayay Hormarka Maamulkisa inuu Heshiis La Garay Dadkii isaga ka soo hor jeday Maamulkisa ,

Wax uu ku Jawabay in wali aan Natijo Laga Garin Waxan Lagu La Taliyay Hadii uu Rabo In Maamulkisa uu Miro Dhalo in heshiis Cad La Garo Dadka ay siyaasada isku Hayaan Si Xal loga Gaaro siyaasada Qalafsan ee Ka Tagan Juboyinka .

Gabo Gabo. Waa tan Kentay Maanta inuu Axmed U Bareero inuu Si Cad Go, aan Oga Qaato wada Hadalka Besha Sade oo kolkii Hore uu Didanaa inuu u Wajaho Si  Cad si loo Soo Gabo Gabeyo Qilaafka Jubooyinka

Xogta Qoralkan: Jeylaani Husen yusuf:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.