Wasiir Diini : Waxaan kismaayo u nimid dhameynta Khilaafka ka dhex jira Beelaha Sade iyo Absame.

diim

Magaalada Kismaayo waxaa goordhow gaaray wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka gaashandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini.

Wafdiga wasiirka waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Jubbaland, sidda uu soo sheegay wariye ku sugnaa madaarka kismaayo markii wafdiga wasiirka uu halkaasi gaaray.

Wafdiga wasiirka gaashandhigga waxaa ka mid ah xubno ka mid ahaa mucaaradka Maamulka Axmed Madoobe waxaana ka mid ah Jenaraal Cali Madoobe, Cabdi Shire, Cabdiwaaxid Goonjeex iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedka wafdiga wasiirka gaashandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay ka qeybgali doonaan shirka dib u heshiisiineed oo kismaayo loogu qaban doono beelasa Sade iyo absame oo dhawaan kismaayo ka furmaya.

Wafdiga wasiirka ee maanta tagay Kismaayo ayaa mar horre la sugayay balse howllo badan oo wasiirka uu hayay ayaa dib u dhigay in uu ka soo qeybgalo shirka lagu wado dhawaan inuu halkaasi ka furmo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.