Degdeg: Wafdiga Wasiir Diini oo Goordhaw u duuli Doona Magaalada Kismaayo.

Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Difaaca ayaa lagu wadaa Goordhaw in ay u kictimaan magaalada kismaayo, kuwaas oon ku baahinay Wararkeenii hore.

Wafdiga Wasiirka marka laga sootago Xubnaha isaga la socda, waxaa qeyb kanoqonaya siyaasiyiinta sida weyn u diidan maamulka Jubba kuwaas oo ay kamid yihiin Janaraal Cali madoobe, Siyaasi Cabdishire iyo Wasiir Hore Goonjeex.

Xubnahani ayaa kismaayo u tagi doona wada hadallo fool ka fool ah o odhexmari doona iyaga iyo Axmed Madoobe, waxaana hadii la isku fahmo qodobada laga wad ahadlaayo kubiiri doona Xubno kale o oay kamid yihiin Xildhibaan Magan iyo Gudoomiyihii Gobolka gedo Maxamed Cabdi kaliil.

Wariye ka tirsan Warbaahinta Gedo Times oo ku sugan garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde oo ay wafdigani ka dhoofi doonaan ayaa soo tabinaya wafdiga Wasiirka lagu wado in goordhaw ay ka duulaan garoonka kismaayo.

Xubno ka socda Beesha Caalamka oo uu ugu horeeyo Danjiraha itoobiya ee Arimaha Soomaaliya ayaa kor joogot ka noqon doona Wadahadalani,kuwaas o odhinacyada ku cadaadin doona in ay gaaraan xal Kaama dambeys ah.

 

wixii kusoo korda kala soco wararkeena dambe insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.